Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 2008
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ

Topnews:- Madaxweyne Yusuf” Wada hadal ka geli meyno jagooyinka sare iyo Ciidamadda Itoobiya”+Shariif Xasan” waan tanasulnay wana la hadleynaa DFKMG”

New york 16/April/2008  Waagacusub.com  

Madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya Korneyl Cabdulahi Yusuf Axmed ayaa markii ugu horeysay si cad u sheegay in wada hadalada dowlada federalka la galeyso kooxaha Mucaaradka aysan quseyn jagooyinka sare sida jagadiisa Madaxweynenimada,Gudoomiyaha baarlamaanka iyo Ra’isulwasaaraha .

“Madaxweyne doorasho ayuu ku yimaadaa ee xabad caaradeed laguma helo,Ra’isulwasaarre iyo Gudoomiye baarlamaana waa la mid,sideedana dadka laga tirada badan yahay jagooyinkaas maba qaban karaan ee wixii kale ha keeneen,hana ka hadleen”ayuu yiri Madaxweyne Yusuf oo hadalkiisa lagu tilmaami kara mid ka fog dabacsanaanta ka soo yeertay labada Shariif ee Isbaheysiga Casmara oo shaaciyay inay ka tanasuleen qodobkii dastuurkooda lana hadlayaan dowlada federalka KMG.

Madaxweyne Yusuf oo Idaacadda BBC Somali ugu waramay New york wuxuu sidoo kale meesha ka saaray in Ciidamadda Itoobiya ka baxayaan Soomaaliya si wada hadalada u mira dhalaan.

“ Ciidamadda Itoobiya kama baxayaan dalka,waxay ka baxayaan marka aan anagu ka maarano waayoo Itoobiya iskama soo gelin Soomaaliya waxaa qasbay dhibaatada ay wadaan kooxaha argagixisada iyo nabad diidka,anaga ayaana u yeeranay”ayuu yiri Korneyl Yusuf oo meesha ka saaray wararka sheegaya in wada hadalada quseeyaan sidii Itoobiya Ciidamadeeda uga bixi lahaayeen Soomaaliya.

Korneyl Cabdulahi Yusuf wuxuu ku nuuxnuuxsaday in socdaalkiisa New york uu quseeyo sidii golaha amaanka gacan uga geysan lahaayeen xalinta mushkilada Soomaaliya iyo dalalka kale ee geeska Afrika,wuxuuna farta ku fiiqay inuu casuumaada ka helay Madaxweynaha koofur Afrika oo haya gudoomiyenimada xilligaan ee golahaas.

Madaxweyne Cabdulahi Yusuf wuxuu tibaaxay inuu ogol yahay wada hadalo lala galo mucaaradka balse wuxuu tilmaamay inay jiraan dad waxkastoo lagu dayo aan yeeleyn.

“Dib u heshiisiintu waa dastuuri,axdiga ayaa qoraya in Somalida dib u heshiisiin loo sameeyo,waxaa loo dagaalay beel beel,wayna heshiiyeen beelahii oo shirweyne ayaan ku qabanay Muqdisho,gacanta ayaan isu saarnay,hada waxa socdaa maaha dagaal qabiilaya ,mucaaradka waxay leeyihiin  30 weji. Waxkastoo lagu dayo dad aan yeeleeyn baa jira” ayuu yiri Cabdulahi Yusuf.

Korneyl Yusuf qirtay in dowlada federalka sharciyan tahay dowlad dib u heshiisiineed wuxuuse qiil siyaasadeed u soo qaatay in lagu qeybsaday awood beeleedka 4.5.

“Dib u heshiisiinta dowlada ayaa ku dhisan,awood qeybsiga iyo axdiga waa lagu heshiiyay,wuxuuna ku dhisan yahay 4.5,cidii doneysana way bedelan karaan baarlamaanka” ayuu Madaxweyne Yusuf ku adkeystay.

Warka Cabdulahi Yusuf wuxuu ka dhigan yahay mid ku wajahan Ra'isulwasaarre Nuur Cadde,Qaramadda Midoobe iyo hogaamiyaasha Isbaheysiga Casmara oo Nairobi ku saxiixay lix qodob oo mid ka mida uu dhigayo jagooyinka aan ku jirin awood qeybsiga dowladda,halkaan ka akhriso qodobada

Hadalka Cabdulahi Yusuf ayaa ku beegan xilli Gudoomiyeyaasha Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ay shaaca ka qaadeen inay ka tanasuleed qodobkii ay ku dheganaayeen ee dhigayay inaysan dowlada federalka wax wada hadala la galeeyn inta Ciidamadda Itoobiyaanka joogaan gudaha Soomaaliya.

“Waan ka tanaasulnay sharuudahii aan ku xirnay wada hadal aan la galno dowlada federalka waxaana go-aansanay inaan u tanaasulna dadka Soomaaliyeed ee dhibaateeysan” ayuu si isku mida u yiri Gudoomiyaha golaha dhexe ee Isbaheysiga dib u xoreynta Shariif Xasan Sheekh Aadan oo wareysi kala duwan siiyay Telefishinka Universal iyo Idaacadda Shabelle.

Shariif Xasan inkastoo uu qirtay inay ka tanasuleen sharuudii ay ku xireen la hadalka dowlada ee ahayd in marka hore Ciidamadda Itoobiya ka baxaan Soomaaliya hadana wuxuu dhanka kale xaqiijiyay in kulanka ugu horeeya ay gudigga dowlada federalka kula yeelanayaan Nairobi 10 May 2008.

Gudoomiyaha golaha fulinta ee Isbaheysiga dib u xoreynta Shariif Sheekh Axmed ayaa isagana hadal la mida kan Shariif Xasan siiyay Warbaahinta ,wuxuuna si dhiiranaan ka muuqata u shaaciyay inay dowlada la hadlayaan sharuud la’aan

Sedex maalmood ka hor ,warka Topnews ee Waagacusub 13 May 2008 ayaan ku sheegnay in labada Shariif ka tanaasuleen sharuudihii ay hore ugu xireen wada hadalada dowlada ayna saxiixeen heshiis ka kooban lix qodob oo lagu madlan yahay 10 May 2008 Magaalada Nairobi.hadaba Warkaas oo xiisado badan dhaliyay,laguna dhaliilay Waagacusub halkaan ka akhriso.

Si kastaba ha ahaatee,go-aanka ay qaateen labada Shariif ee ay ku sheegteen inay dowlada la gelayaan wada hadalo aan sharuud lahayn,waxay ku waayi karaan xilalkooda gudoomiyenimo oo loo badinayo in dhawaan laga qaadi doono hadii aysan 191 xubnood ee golaha Isbaheysigooda ka meelmarin in qodobkaas dastuurka laga saaro,waxaana awooda iska leh codadka sedex meelood labo meel.  

Halkaan ka akhriso Warbixin uu Weriyaha Waagacusub oo ku socdaal shaqo ku jooga DJabouti ka qoray tanaasuladda labada Shariif

Waagacusub Media

Muqdisho-Somalia

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
+2521-5565600 Hormuud Telecom

ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new


net