Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online Ramadan Kariim
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ

Topnews:- Itoobiya oo howlgalo Melleteri ka fulineysa gudaha Puntland.

Garowe 24/03/2008  March Waagacusub Media  

Kumanaan ka tirsan Ciidamadda Melleteriga Itoobiya ayaa lagu wadaa inay todobaadyada soo socda hoowlgalo Melleteri ka fuliyaan gudaha Puntland oo ay ku tuhunsan yihiin inay ku sugan yihiin madaxda Shabaabka Caalamiga iyo Jabhadda Ogaadeeniya.

Wafdigii ugu balaarnaa oo isugu jira Saraakiisha dhaqaalaha iyo gaashaandhigga Itoobiya ayaa  booqday dekadda boosaaso ka gadaal markii ay kulan saacada qaatay Garowe kula yeesheen Madaxweyne Cadde Muusse oo lagu wado inuu maalinta talaadada u ambabaxo Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Saraakiisha Itoobiyaanka oo ay ka mid yihiin Jeneralo,Korneylo iyo gaashaanle yaal sare oo caana waxay indha indheeyeen dekadda Boosaaso oo ay doonayaan inay kala soo degaan Saanad iyo qalab kale oo Melleteri.

Madaxweyne Cadde Muusse oo wado qorshooyin dahsoon oo aan dukumiintiyo ka mida helnay ayaa lagu wadaa inuu Addis Ababa ku soo saxiixo ogolaansho buuxa oo la xiriira in Ciidamada Melleteriga Itoobiya la wareegaan amaanka guud ee Puntland.

Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashandhiga Itoobiya ayaa Waagacusub u sheegay in amaanka Puntland ay ula wareegayaan sidii ay kooxaha argagixisada waxay ku sheegaan uga sifeeyn lahaayeen degaanadaas

Saraakiisha Melleteri waxaa kale oo ay sheegeen inay tababar siinayaan Ciidamadda Daraawiishta Puntland si ay Mustaqbalka ugu wareejiyaan ilaalinta xaduudaha Puntland ay la wadaagto gobolada la deriskaa.

Saraakiisha qaarkood diiday in magacooda la xuso waxay Waagacusub ugu xog warameen in Puntland ay u arkaan halis ay dekadaheeda hub kala soo degaan Jabhada Ogaadeeniya iyo Shabaabka Caalamiga ee Somaliya.

Xeeldheerayaasha amaanka iyo siyaasadda ee Soomaaliya ayaa qorshaha Itoobiya u arko mid halis gelinayo madaxbanaanida shacabka reer Puntland waloow uu Madaxweyne Cadde Muusse wado qorshooyin siyaasadeed Uguba oo aan la sii saadaalin karin aayaha Mustaqbal ee laga dhaxli doono.

Halkaan ka akhriso Warbixin ay faafisay Togdheernews

Xafiiska Waagacusub Media

Muqdisho-Somalia

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
+2521-5565600 Hormuud Telecom

ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new


net