Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online Ramadan Kariim
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
   
   
    Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ

Bartilmaameedka WC:- Waa ayo Sheekh Shariif Maanta?!!!


   Qalinka runta   Waagacusub.com 2007

Waxaa loogu yeeri jiray Amiirka muminiinta,waxaa kale oo uu ahaa Gudoomiyaha gudiga fulinta ee Maxkamadaha Islaamkii la barakiciyay balse maanta waa dibad joog siyaasadeed ee wali loo magacaabayo xilal aan la garaneyn waxa uu ku fulin doono iyo goobta uu ku heysan doona.

Sheekh Shariif oo ay dad badani ku qadiriyaan hadalo siyaasadeed degan marka wareeysiyada uu bixinayo waxaa la isweydiinayaa maanta wax ku oolnima siyaasadeed ee uu ku soo kordhin karo dhibaatada murugsan ee dalka Soomaaliya.

Shariifka waa qof magan ku nool ee aan ku sugneyn dalka gudahiisa islamarkaana dad badani ay aaminsan yihiin inaanu wax tar siyaasadeed ka geysan Karin dalka islamarkaana aanu lahayn awood gorgortan siyaasad ee lagula qeybsan karo awooda maadama wax uu gacanta ku hayaa aysan jirin.

Hadaba Shariifku ma wuxuu sameeyn doonaa duulaan melleteri oo balaaran oo u heli doono cudud dagaal mise waxaa uu sameyn karaa kacdoon shacbi ee uu taageero uga helo dadweynaha Soomaaliyed  mise wuxuu qaadan doonaa masuuliyada bamba gacmeedyo la tuuray iyo miinooyin todobaadkiiba mar la dhigo,lana rumaysan yahay inaysan wax isbedel siyaasadeed keeni doonin.

Qormadan loolama jeedo in lagu waxyeeleeyo Shariifka oo lagu buunbuuniyo maamulka ay shisheeyahu gacanta ku hayaan ee ka jira Muqdisho balse waxaa la doonayaa inay fahmaan dadka rajada buuran ka qaba isbedel uu Shariif Sheekh Axmed keeno,inay yihiin qaar ka fog xaqiiqada.

Kaalinka uu lahaa Shariifka waxaa uu dhamaaday markii lagala wareegay gacan ku heynta Muqdisho maadama uu curin kari waayay hanaan siyaasadeed ee u hiiliya dib u heshiisiin xilligii uu hayay hogaanka  Maxkamadihii Islaamka oo ay u furneed wada hadalo ay la galaan dowlada tabarta yar ee Meel ku gaarka oo markaa ku aruursaneed Magaalada Baydhabo laakiinse taasi isaga dhaliil kuma lahan maxaa yeelay wuxuu dad badani ula muuqday boor aan awood badan lahayn oo ay isteerinka u hayeen,Aadan Xaashi Cayroow,Abuu Maansuur ,Ibrahim Xaaji Jaamac Meecaad,Sheekh Mukhtaar iyo Sheekh Mukhtaar Rooboow.

Shariifka waxaa kale oo uu ku guuldareystay inuu mideeyo garabyada kala duwan ee ka jiray Maxaakiimta gudaheeda si markaa loo helo isfaham siyaasadeed oo ay la yeelan kareeen wixii ka baxsan Maxaakiimta,sida bulshada rayidka,aqoonyahanada iyo dowladii jirtay markaa oo ugu yaraan heysatay aqoonsiga caalamka ee dalka Soomaaliya.

Shariifku haatan malaha awood siyaasadeed,dalkana kuma lahan taageero weyn oo dhinaca beeshiisa maadama beesha uu ka dhashay ay taageersan yihiin Cali Maxamed Geeddi iyo Cali Mahdi Maxamed oo labaduba aan ogolayn wax ku oolnimada Maxaakiimta Islaamka.

Sidoo kale waxaa iyadana Shariifka dhib weyn ku ah xoghayahiisa cusub ee gaashaandhiga Yusuf Maxamed Siyaad Indhacadde iyo Kaaliye Sheekh Mukhtaar Rooboow Abuu Maansuur oo midkoodna ka amar qaadan.horena la rumaysan yahay inay u fashiliyeen hadiiba uu guula siyaasadeed ka gaari lahaa,toowradii soo martay bilaha kooban ee rajada nabadeed xambaarsaneed.

Sida la rumaysan yahay Shariifka Waxaa iyadana dib u dhac weyn ku ah dhaq dhaqaaqa Shabaabka ee ka dagaalama Muqdisho oo iska fogeeyay siyaasadiisa islamarkaana ku tilmaamay hoowlgaladiisa siyaasadeed mid Cilmaaniya oo aan wax tar weyn ku kordhineyn halganka mar hadeysan ku saleysneyn hergelinta Shareecada Islaamka,waa sida ay hadalk u dhigaane.

Ugu dambeyntii Sheekh Shariif oo magaciisu siweyn inoo soo maray sanadkii aanu soo dhaafnay lix bilood oo ka mida xilli uu cimaamad iyo macaawis watay,hada oo uu qaatay Suite ama isku joog qaaliya oo siyaasiyinta lagu yaqaan  ,wuxuu u muuqdaa mid ku dami doona Dalka Ereteriya oo isagaba ku jira godoon siyaasadeed oo Caalamiya.sida ay qabaan labada Shabaab ee Islaamiyiinta iyo Masiixiyiinta Soomaaliya ku wada sugan ee bam gareynta iyo qalalaasaha astaanta looga dhigay.maxaa yeelay Shabaabka Aadan Xaashi Cayroow iyo Fu-aad Shongole fikirkooda waa mid liiska Cilmaaniyiinta ku daray Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
+254-733444433 CELTEL
+2521-5565600 Hormuud Telecom

ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new