Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online
   
   

U Gar Gaar Wiilkaan Dhibaateysan Allaha Kuu Gar Gaaree

Wiilkaan yar waxaa lagu magacaabaa Cismaan Xalane Xasan waxuu dhashay isagoo aan gacmo laheyn.

Hooyada dhashay wiilkaan oo ah hooyo aad u dhibaateysan dhinaca dhaqaalaha ayaa waxa ay idinka codsaneysaa cidii wax u awoodi karta wiilkaan yar iney gar gaar bani aadnimo usoo fidiyaan.

Hooyada wiilkaan dhasyay ayaa sheegtay ineysan heysan wax ay wiilkaan wax ugu qabato iyada iyo wiilkana ay isku kor dhibaateysan yihiin, waxeyna shacabka Soomaaliyeed ka codsaneysaa inay gargaar bani aadnimo usoo fidiyaaan.

Wiilkaan ayaa aabihiis dhawaan geeriyooday, waxuuna ku jiraa xiligaan nolal adag, isagoo ay la dhasheen caruur aad u fara badan oo dhamaantood agoon ah.

Wiilkaan ayaa hada waxa uu ku sugan yahay Magaalada Hargeysa isaga iyo Hooyadiis, kadib markii howlo caafimaad loo keenay halkaasi.


Wiilkaan ayaa maalintii ugu yaraan 17 saac oo kamid ah ilmeynaya taasoo aad walaac u abuurtay, lamana oga waxa haya ee xanuunka ah, dhowr baaritan ayaa loogu sameeyay magaalada Hargeysa balse dhaqaatiirta ayaa sheegeen inaan dalka wax looga qaban karin xiligaan una baahan yahay gar gaar deg deg ah oo dibadeed.

Hadaba walaal muslimoow u gar gaar wiilkaaan dhibaateysan ee aan gacmaha laheyn.

Ciddii doonaysa inay Gargaar lacageed u soo diraan Wiilkaan gacmo la'aan ku dhashay ee dhibaateysan, waxaa laga codsanayaa inay ugu soo hagaajiyaan Cabdifitaax Axmed Maxamuud Tel: 0025224455566 Email: ugargaar@yahoo.com - Hargeysa .

U Gar Gaar Walaal Wiilkaan aad u dhibaatesayn ee dhashay isagoo aan gacmo laheyn Allaha kuu gar gaaree